May 15, 2011 | Posted by admin

Maydka Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa maanta lagu aasay deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho, iyadoo salaadda janaasada ay kuwada tukadeen xubno ay ka mid yihiin Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Imaam Maxamuud oo ahaa imaamka beelaha iyo beesha Mudulood ayaa xanuun awgiis ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya laba casho ka hor.

“Samir iyo imaan Allaha naga siiyo, gaadaashiina Alle nama fidneeyo, waxaana tacsi u dirayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif oo hadal kooban jeediyay salaadda janaasadaha kaddib.

Ugu dmabeyn, maydka Imaamka ayaa lagu aasay deegaanka Jasiira iyadoo halkiii uu aaskiisa ka dhacay ay ka hadleen xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed iyo ehelladii uu ka geeriyooday Imaamka.

Aaska Imaamka ayaa waxaa ka qaybgalay dadweyne aad u fara badan iyadoo inta badan dadku ay Alle uga baryayeen inuu naxariistii Janno ka waraabiyo.

COMMENTS