July 18, 2020 | Posted by admin

Hooyo Shamso Maxamed Xaashi waxaa ay ka mid tahay ardayda maanta u fariisatay imtixaanka shahaadiga dugsiga sare, kaas oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Shamso ayaa ah Hooyo maalma ka hor ku dhashay isbitaalka Kalkaal ee magaalada Muqdisho,waxaana wasaaradda waxbarashadu ay warqadaha imtixaanka ugu geysay gudaha isbitaalka si ay uga qeyb qaadato.

Hooyo Shamso Maxamed Xaashi oo imtixaanka ku gashay gudaha isbitaalka ayaa wasaaradda waxbarashada uga mahadcelisay keenista imtixaanka si u gasho maaddooyinka ugu horreeyay ee maanta la gelayay oo kala ahaa Soomaali iyo Juquraafi.

Shamso oo muddo dheer kusoo jirtay waxbarashada ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay in maanta ay imtixaanka gasho iyadoo umul ah,waxeyna uga mahadcelisay dowladda,macalimiintii wax soo baray, waalidiinteeda iyo cid walba oo gacan ka geysatay hormarkeeda.

“waan ku faraxsanahay in imtixaanka leygugu keeno isbitaalka anoo ku jiro xaalad adag,waxaana sidoo kale ugu baaqayaa dadka ila midka ah in ay ka faa’ideystaan fursadahaan ay soo kordhisay wasaaradda waxbarashada”

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa maanta imtixaanka shahaadiga dugsiga sare ee dalka oo ay qaadeyso dowladda Soomaaliya sannadkii lixaad ka daahfuray magaalada Muqdisho waxaana u fariistay in ka badan 34,000 (Soddon iyo afar kun) oo arday

COMMENTS