September 10, 2020 | Posted by admin

Tiro hoobiyaal ah ayaa caawa lagu garaacay degmooyinka Wardhiigley, Boondheere, Shangaani, Xamar Jajab, Xamar weyne, Waabari iyo Cabdulcasiis.

Saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in waxa dhacay aysan aheyn hoobiyaal balse ay yihiin Dheemish ama baco sida Qaraxyada u qarxa oo aan aheyn Qarax sax ah.

Goob joogayaal ku sugan Shangaani, Boondhoore iyo Cabdulcasiis waxay xaqiijiyeen in qaraxyo culus ku soo dhaceen xaafadahooda islamarkaana uu jiro khasaare.

Afhayeenka booliska Soomaaliya ayaa la filayaa goordhow weriyaasha in uu la hadlo islamarkaana waxa dhacay faah faahin ka bixiyo, isagoo si hordhac ah hadda weriyaasha ugu sheegay in ay ahaayeen dheemish wixii dhacay.

Dhawaaqa qaraxyada ayaa si weyn looga maqlay Muqdisho waxaana magaalada laga dareemayaa cabsi iyo qal qal xoog leh.

sawiro Laga soo qaaday Goobihii ay wax ku dhaceen ayaa muujinaya in Wixii Dhacay ay ahaayeen Hoobiyaal waxaana Gubtay Guri ku yaala Degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir

COMMENTS