November 15, 2020 | Posted by admin

Hogaamiyaha Gobolka Tigray ee Ethiopia (Debretsion Gebremichael) ayaa xaqiijiyay in ciidamada Tigreega ay duqeeyeen garoonka diyaaradaha ee caasimada Asmara ee Eriteriya.

Dhacdadaani ayaa waxay sare u sii qaadeeysaa xisaadda colaadeed ee u dhaxeysaa dowladda Itoobiya iyo xoogagga deegaanka Tigreega ee TPLF.

Ilo wareedyo ku sugan Eritrea ayaa sheegay in gantaallo lagu garaacay garoonka diyaaradaha, laakiin ay seegtay bartilmaameedyadooda. Wax dhaawac ah lama soo sheegin ilaa iyo hada.

Hogaamiyaha Tigreega ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadiisu ay maalmihii lasoo dhaafay la dagaalamayeen ciidamada Eritereya.

Dagaal ayaa todobaadkii hore dhex maray ciidamada dawlada Itoobiya iyo ciidamo daacada u ah xisbiga xukuma gobolka Tigray – TPLF.

Kooxda TPLF ayaa ku eedeysay madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki inuu la saftay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan toddoba iyo toban kun oo qof ay ka gudbeen xadka Suudaan ka dib markii ay ka soo carareen dagaallada ka socda Tigray.

COMMENTS