July 29, 2020 | Posted by admin

Guddiga xalalka waara ee fatahaahada Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta bilaabay dadaalada biyo leexinta Magaalada xilli saacadihii ugu dambeeyay Wabiga Shabeelle uu Biyo xoogan keenay.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay caratuur ku bilaabeen goobaha ay biyaha kasoo burqadaan, iyaga oo ku wareejinayay si Wabiga Shabeelle uu u saameyn fatahaado sababa inay barakacaan bulshada Magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha Guddiga xalalka Waaro ee fatahaahada Magaalada Beledweyne Sheekh Cismaan Dhagaxow ayaa sheegay inay wadaan dadaaladii ugu dambeeyay oo ay kaga hortagayaan fatahaad uu markale sameeyo Wabiga Shabeelle.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay fatahaado sababay inay barakacaan boqolaal qoys, kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan ay ku heystaan degaanka Ceel-jaale ee duleedka Beledweyne

COMMENTS