February 8, 2014 | Posted by admin
Taliyaha Milliteriga dalka Kenya, Julius Karangi ayaa ka shanqariyey inay Hay’adda Dembi-baarista Maraykanka (FBI)-da weli gacanta ku hayaan maydadka rag u dhashay dalka Somalia, kuwaasi oo bishii September 21-dii ee sannadkii hore duullaan ku qaaday Xarunta laga dukaamaysto ee Westgate ee magaalladda Nairobi.
Taliyaha ayaa hadalkaasi ku yeeshay mar uu la hadlayey dad ka soo qeyb galay Kulan ay Golaha Warbaahinta Kenya soo qabanqaabiyeen oo ka dhacay mid ka mid ah Hoteelladda Nairobi oo lagu falaanqeynayey Dhacdadii Westgate.
Taliyuhu, wuxuuna tilmaamay inay Dagaalyahannadda Ururka Alshabaab ee ka dambeyeey Weerarkii Westgate ay Ciiddamadda la galeen dagaal socday muddo saddex maalmood ah (Laga bilaabo bishii Sept. 21-dii ilaa 24-dii ee sannadkii hore).
Taliyaha Milliteriga dalka Kenya, Julius Karangi waxa uu qiray inay Hay’adda FBI-da gacanta ku hayaan maydadkii dagaalyahannadda Ururka Alshabaab ee ku dhintay Iska-horimaadkii Westgate, wuxuuse ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ka bixiyo halka ay FBI-da ku hayso maydadkaasi.
Afartii dagaalyahan ee geystay Weerarkii Westgate ayaa la sheegay inay Somalia ka yimaadeen, halka labo kalena oo lagu kala magacaabi jirey Mohamed Abdinur Said iyo Hassan Abdi Dhuhulow oo 23-jir ah ka yimaadeen dalka Norway oo ay dhowr sannadood ku noolaayeen.
Warka ku saabsan inay FBI-da hayso maydadkii raggii geystay Weerarkii Westgate ayaa waxa uu burinayaa hadal ay horey ugu sheegtay inay raggii geystay weerarkaasi wada baxsadeen.
Ciiddanka Ammaanka ee Kenya ayaa iyagana sheegay inay ugu yaraan 12-dagaalyahan geysteen weerarkii Westgate, inkastoo markii dambe la sheegay inay 4-qof ahaayeen raggii hubeysnaa ee ka dambeeyey Weerarkaasi oo laga dareemay inay Ciiddamadda Kenya looga gacan sarreeyey iska-horimaadkaasi.
Ururka Alshabaab ayaa sheegay inay ka dambeeyeen Weerarkaasi, oo ay fuliyeen Dagaalyahanno aad u tababaran waxayna Kenya uga digeen inay Ciiddamadooda kala baxaan Koonfurta Somalia.
Iska horimaadkaasi ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 67-qof oo ay dad Ajaaniib ah ku jireen.
COMMENTS