September 13, 2020 | Posted by admin

Jariirada Afka dheer ee La Repubblica ayaa shaacisay in Silvia Romano haweenaydii Al-Shabaab kasoo qafaalatay Kenya, mudana lagu heystay Soomaaliya, balse markii dambe la siidaayay xil looga Magacaabay Midowga Yurub.

Silvia Romano oo u dhalatay dalka talyaaniga ayaa waxaa la sheegay in loo magacaabay danjiraha qaarada Yurub ee la dagaalanka Islaam naceybka, iyada oo ka qeyb-qaadaneysa mashruuc uu Urrurka Midowga Yurub kula dagaalamayo Islaam-naceybka.

Haweeneydaan ayaa la sheegay in si aan qasab aheyn ku qaadatay Diinta Islaamka, mudadii ay u afduubneyd Urrurka Al-Shabaab, iyada oo Magaceedii Silvia Romano loogu bedelay Caa’isha.

Mashruuca la dagaalanka Islaam-naceybka ee loo xil saaray Silvia Romano ayaa waxaa ay ka bilaabi doontaa Magaalada ay ku nooshahay ee Milan ee dalka Talyaaniga , si ay u gaarsiiyo wadamada kale ee Qaarada Yurub.

Sidoo kale Silvia Romano ayaa waxaa ay la Shaqeyn doontaa Urruro kale oo arrimahaan loo xilsaaray, kuwaas oo kala ah Fondazione L’Albero della Vita, Le réseau iyo Progetto, kuwaas oo dhamaantood ku mideysan mashruucaan oo lagu Magacaabo YES, iyaga oo arruurin doona macluumaad lagu taageerayo dadka la kulmay dhibaatooyinka faquuqa ku saleysan.

COMMENTS