June 30, 2014 | Posted by admin

Hal qof ayaa ku dhintay sedex kalena way ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay Bartamaha xaafada shaqaalaha ee magaalada kismaayo.
Qaraxa ayaa la sheegay in lala beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa amniga ee maamulka KMG ah ee Jubba.
Wariyaha Radio Bar-kulan, ayaa soo sheegaya in qofka dhintay uu ahaa rayid halka sedexda dhaawac ah ay ka tirsan yihiin ciidanka ammaanka kuwaasoo haatan lagu daweynayo cidbitaalka.
Qarax ayaa la sheegay in loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka amniga oo ku saabsan qaraxan.

COMMENTS