January 7, 2021 | Posted by admin

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray dhismaha Bulaacad Casri ah oo uu maamulka gobolka Banaadir ka hirgaliyay inta isku xirta isgooska Km4 ilaa dekada Qalalan ee magaalada Muqdisho.

waxaana xarig jarka goob joog ka ahaa gudoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir mudane Faarax Cabdi Diini.Fulinta

mashruucan oo ay baahi u weyn u qabeen bulshada Caadimadda ayaa qeyb muhiim ah ka qaadan doonto xal u helida saameenta uu roobka u geesto bilicda iyo isku socodka magaalada.

Duqa magaalada iyo mas’uuliyiinta kale ayaa sidoo kale kormeeray wajiga sadaxaad oo uu maamulka gobolka Banaadir ku doonayo in uu ku dhameestiro xal u helida biyamareenkan si roobabka da’aya uusan u wax yeeleynin wadooyinka magaalada Muqdisho.

COMMENTS