June 22, 2020 | Posted by admin

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa Maanta Magaalada muqdisho waxaa uu kula kulmay guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nur Gacal.

Kulanka ayaa labada Mas’uul waxaa ay uga wada hadleen Arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaalada dalka, iyada oo Duqa muqdisho uu Warbixin siiyay Guddoomiye Gacal sida uu sheegay.

“Waxaan Maanta Xaruntiisa Muqdisho kula kulmay Gudoomiyaha Gobalka Benaadir Cumar Filish. Waxa uu iiga waramay Horumarka ay ku tilaabsatay Caasimadu Sanadihii ugu danbeeyey dhanka Wadooyinka Laamiga, Dayactirka Dhismooyinkii burburay ee Dawladda, Taalooyinkii iyo Astaamihii Qaranka, soo celinta Bilicda iyo Muuqaalka Caasimadda ayuu yiri” Guddoomiye Gacal.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa u balanqaaday Galmudug in uu Gacan wayn ka geesanayo soo celinta iyo tayeynta Hay’adaha Curdanka ah ee Dawlad Gobaleedka Galmudug, gaar ahaan Dhismaha Barlamaanka, Galmudug, Qurxinta Muuqaalka iyo Bilicda Caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb.

COMMENTS