November 15, 2020 | Posted by admin

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Warqad dacwo ah u diray xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan Wakiilka QM eeArrimaha Soomaaliya Amb, James Swan, Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Amb, Francisco Madera.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in xilligaan wadanka uu ku jiro waqti kala guur ah oo la galayo doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal islamarkaana ay Muhiim tahay in si xor iyo xalaal ahna ay ugu qabsoomaan Doorashooyinka, hayeeshee uu ka digayo in doorashooyinka Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka kasoo galaya Gobolada Waqooyi ay faragelin ku sameeyaan Madaxweyne Farmaajo & Taliyaha Hay’adda NISA.

“ Maanta, waxaan idiin soo gudbinayaa labadiinaba anigoo ku hadla af-hayeenka Aqalka sare iyo sidoo kale masuulka ugu sareeya ee laga soo doorto gobolada waqooyi ee Somaliland sidoo kale waxaan ahay xubin hoose oo ka tirsan bulshada rayidka ah ee Wadanka kana shaqeynayay muddo soddon sano ah, ma aqbaleyno in Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha & Taliyaha NISA inay soo xulaan Xubnaha Guddiyada Matalaya gobolada Waqooyi  ee soo xulaya Baarlamaanka ayaa lagu yiri” Qoraalka guddoomiyaha Aqalka sare.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa dhowr jeer oo hore soo saaray qoraalo uu kaga soo horjeeday Guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka ee Ra’iisul Wasaare Rooble u Magacaabay doorashooyinka xildhibaannada gobolada Waqooyi laakiin ma noqon kuwa mira dhala.

Waxaana Muqdisho ka Bilaawday is xulufaysiga Xubnaha ka soo jeeda Deegaan ahaan Goballada waqooyi ee Soomaaliland, lama oga Warqadaan dacwada ah waxa ay soo kordhin dooto.


 

COMMENTS