April 19, 2015 | Posted by admin

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maaxmuud Siilaanyo ayaa soo saaray wareegto uu xilka kaga qaadayay gudoomiyahii maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil Cali.

Madaxweynuhu ma magacaabin ciddii baddali lahayd gudoomiyaha xilka laga xayuubiyay.

Wareegtada oo nuqul kamid ah uu Universal TV helay ayaa sidaan u qorneed:-

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 105aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda, taasoo tilmaamaysay in ay adagtahay wada shaqaynta Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddida Cadaaladdu;

Markuu Arkay: Cabashooyinka is-dabajoogga ah ee dadweynuhu ka muujiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoorka Dalka;

Markuu Yaqiinsaday: In loo baahan-yahay isbeddel lagu sameeyo Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka;

Wuxuu Go’aansaday

In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Guddoomiyenimo ee Maxkamadda Sare ee Somaliland ka qaado Mudane, Yuusuf Ismaaciil Cali.” Ayaa lagu yiri Wareegtadaasi.

Sidoo kale Wareegtada waxaa lagu cadeeyay In Siilaanyo uu golaha guurtida iyo midka wakiilada Somaliland loo gudbin doono wareegtadaasi.

COMMENTS