July 20, 2020 | Posted by admin

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa beeniyay in shilkii diyaaradeed ee ka dhacay garoonka Diyaaraha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne 14-bishan uu sababay Dameer garoonka ku jiray.

Guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in garoonka uu ku wareegsanyahay Silig looga hortagayo xoolaha garoonka soo gali lahaa aayna macquul aheyn in Dameer uu soogalo taasine aay tahay been abuur.

Mr jeeyte ayaa sheegay in baaritaan dheer kaddib aay cadaatay in bur burka diyaarada uu sababay cilad ka dhacday Beeyloodka diyaaradda waday iyo carro badan oo garoonka qeybta diyaaradaha ku ordaan qeyb kamid ah taala.

Ugu dambeyn guddoomiyaha gobolka hiiraan ayaa ku dhawaaqay in garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif aay kasoo dagi karaan diyaaradaha yar yar ee xamuulka inta ciladda garoonka ka jirta wax laga qabanayo.

COMMENTS