June 9, 2021 | Posted by admin

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta kormeer ku tagay deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho halkaasi oo isku dhac uu ku dhex maray dhawaan Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo kooxo halkaasi ka waday dhibaateynta Shacabka iyo Maamulka G/Banaadir ay sheegeen.

Gudoomiye Finish oo ay wehlinayeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka  Booliska iyo Milatiriga Soomaaliya, ayaa waxa uu laamaha Amniga kaga Mahadceliyay sida ay ugu dhiidhiyeen in deegaankaasi lagu dhibaateeyo shacabka oo dhac loogu geysto, Asigoona sheegay in aan marnaba la aqbali doonin dhibaateynta Shacabka.

Waxa uu ugu baaqay shacabka qeybahooda kala gedisan in ay la shaqeeyaan Laamaha Amaanka si loogu guuleysto kooxaha u jooga dhibaateynta Shacabka.

Degaanka Jasiira ayaa waxaa Maalin walba u dalxiis taga Boqolaal Ruux oo ka tegay Caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, waxaana mararka qaar ay la kulmaan Kooxo hubeysan oo dhac u geysanaya.

COMMENTS