October 9, 2016 | Posted by admin

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa lagu wadaa in goor dhaw gaaro Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe,

halkaas oo ka socoto Munaasabad lagu dhaarinayo Xildhibaanada Barlamaanka  maamulka Hirshabeele,

Ujeedada Safarka Guddoomiye Jawaari ayaa lagu sheegay in uu ka qeyb galayo munaasibad lagu dhaarinayo XIldhibaannada Maamulka Hirshabeelle oo Shalay lagu xareeyay Magaalada Jowhar.

Dhinaca waxaa sidoo kale Magaalada Jowhar goor dhaw ka degayo Wasiirka arimaha Gudaha soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.

Garoonka diyaaradaha jowhar ayaa waxaa ka socta soo dhaweenta Masuuliyiinta kala duwan oo maanta halkaasi ku wajahan.

Maxamed Daacad Muqdisho.

 

COMMENTS