July 18, 2021 | Posted by admin

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka  Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa Magaalada Dhuusamareeb waxaa uu kulan kula qaatay  Gudiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Galmudug.

Kulanka oo ahaa mid isxog-wareysi ah ayaa Xubnaha Guddiga waxaa ay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug warbixin ka siiyeen halka ay u mareyso xaaladaha arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka  Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa dhankiisa kula dardaarmay in ay si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran qabashada Doorasho hufan.

COMMENTS