September 4, 2014 | Posted by admin

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo maalmahan Baydhabo kulammo kula lahaa qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa saakay kulan la qaatay ganacsatada gobolladan kuwooda ugu waaweyn ayadoo dhanka kalena wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka ay kusoo biireen Xildhibaanno hor leh.

Waaberigii hore ee saakay ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kulan la qaatay xubno ka socday ganacsatada gobolladan oo uu kala hadlay sidii ay ganacsatadu uga qeyb qaadan lahaayeen hormarka gobolladooda iyo hirgelinta dhismaha maamul goboleedkooda.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uu maanta qaabilay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo ka soo jeeda gobolladan islamarkaana noqday qeybta labaad ee Xildhibaanno kusoo biira wafdigiisa kuwaasi oo iyana qeyb ka qaadan doona wadahadalladan iyo sidii ay uga soo bixi lahaayeen natiijooyin wax ku ool ah.

Kulammada kadib ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka MudDSCN0267ane Ma
xamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu faah faahin ka siiyey saxaafadda kulammadii maanta uu qaatay waxaana uu xusay in dhammaanba kulammadan wadatashiga ah ee uu ku dhageysanayo aragtiyooyinka ay qabaan qeybaha kala duwan ee bulshada gobolladan ku dhaqan ay kusoo dhamaadeen guul islamarkaana wixii hada ka dambeeya la gudageli doono kulammo si wadajir ah ay bulshada aayahooda uga tashanayaan.

COMMENTS
  1. Excellent transaction! Fast shipping, item as promised. Thanks !!!!!!!!!!

  2. Thanks for a great speedy delivery!!!

  3. Super fast shipping! Great seller! Item exactly as described!! Thanks!!!!

  4. hermes replica necklace replica hermes kelly wallet rose jaipur itzwyp

  5. hermes replicas handbags replica of hermes belt zealand vhjcfe