November 16, 2020 | Posted by admin

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xareysay Guddiga Doorashada heer Federaal, Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Guddiga Maamulka Doorashada Somaliland, kuwaasi oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Warar Hoose ayaa sheegaya in guddigaan Lagu Hareeyay qeyb ka mid ah Muqdisho, islamarkaana ay dooran doonaan gudoomiye.

Guddiyadan ayaa inta ay ku jiraan Hotelka waxay qaadan doonaan tababaro la xiriira nidaamka doorashada, sameynta habraacyada doorashada iyo dhaqan gelinta qodobada heshiiskii siyaasaddeed ee doorashada.

Si kastaba Guddiyan ay xareysay Dowladda ayaa si weyn uga soo horjeeystay Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku jiraan Madaxweyneyaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Sh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Musharaxiin kale oo badan, iyagoona tilmaamay in xubno ku jira Guddiyada ay ka tirsan yihiin Hay’adda NISA.

COMMENTS