April 29, 2021 | Posted by admin

Shir ay isugu yimaadeen Guddiga isku duwida wadamada Ciidamada ka jooga Soomaaliya ee howlgalka AMISOM oo isugu jiray labo heer sida Heer Taliyeyaasha Ciidamada iyo heer Danjirayaal ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed iyo mida amni ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho iyo sida AMISOM ka yeeleyso.

War Murtiyeed ka soo baxay kulankan ayaa loogu baaqay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM inaysan ku milmin siyaasadaha is diidan ee dalka Soomaaliya ayna noqdaan kuwo dhexdhexaad ah.

Kulankan oo uu shir guddoominayay H.E. Danjire Bankole Adeoye, Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga (C-PAPS), ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiilo ka socda wadamada Burundi, Djibouti, Ethiopia, Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone iyo Uganda iyo AMISOM.

COMMENTS