October 8, 2016 | Posted by admin

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya Cumar Dhageey oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay bilowdeen dhismaha aqalka sare ee Baarlamaanka soo aadan.

Waxa uu sheegay in Maamulada qaar ay soo gudbiyeen Liiska Musharaxiinta u tartamaya Xubinimada Aqalka sare ee Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Soomaaliya Cumar Dhageey ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in doorashada Soomaaliya ay waqtigeeda dhacdo isla markaana aysan jirin dib u dhac mar kale yimaada.

Mudane Cumar ayaa sheegay in ay dhici doonto in maalin kasta ay si joogtaha ah ay uga warbixiyaan Gudiga halka uu marayo Soo Gudbinta xubnaha aqalka sare.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS