September 26, 2016 | Posted by admin

Guddiga doorashootinka Dadban ee Soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka Hiiraan iyo Shabellaha dhexe oo xalay kulan ku qaatay Muqdisho ayaa isku raacay in Xildhibaannada maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe laga xulo Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga dadban ee doorashooyinka  Cumar Dhegey oo xalay la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in arrintaasi ay isku afgarteen Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ayaa ka dalbaday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif inuu qaato talada ay isku raaceen Odayaasha Dhaqanka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, Magaalada Muqidshana uu yimaado.

Lama oga sida Odayaasha Dhaqanka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ay ku aqbali doonaan in Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolkaasi lagu soo xulo Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa si cad u sheegay inaysan marnaba aqbaleyn arinta ku aadan in Xildhibaanada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe Muqdisho lagu soo xulo xili dhawaan uu shir jaraaid ku qabtay gobalka hiiraan.

Maamul usameenta Labada gobal ayaa ayaa heer gebe geba ah maraya waxaana la sameeyay calanka hiiraan iyo shabeelada dhaxe.

Maxamed daacad Muqdisho.

COMMENTS