January 15, 2022 | Posted by admin

Muuse Geelle Yusuf ayaa ku guuleystay doorashada Guddoomiyaha Guddiga FEIT, isagoo helay codod dhan 14 cod, halka C/raxiin C/casiis Aadam oo la tartamayay uu helay 11 cod.

Muuse Geelle ayaa si weyn looga ololeynayay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isagoo garab ka helayay qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta

Sidoo kale C/raxiin ayaa isna taageero ka helayay Villa Soomaaliya.

Villa Soomaaliya ayaa dadaal ku bixisay sidii ay ku heli laheyd guddoonka Guddiga balse waa ku guuldareystay.

COMMENTS