July 24, 2021 | Posted by admin

Guddiga doorashada heer Dowlad Goboleed ee Hirshabelle ayaa maalintii afaraad isku haya habraacyada guddi hoosaadka, awoodaha iyo mas’uuliyadda Xogheynta, iyadoo Guddigan uu illaa hadda leeyahay Guddoomiye iyo Kuxigeen.

Ilo ku dhow dhow xubnaha Guddiga ayaa sheegay inay jirto faragelin bannaanka ah oo ku saabsan meel marinta awood xad dhaaf ah oo loo sameynayo Xogheynta Guddiga oo aan weli la magacaabin, afar jeer oo Guddiga kulmay la isku fahmi waayay mas’uuliyadda Xogheynta, isla markaana la wareego awoodda Guddoomiyaha.

Arrinta ugu weyn ee ka dhex taagan Guddiga ee uu qarka u saaran yahay inuu La Guddoomiyeyaal yeesho ayaa sabab u noqon karta haddii uu fulo qorshaha ka socda dhanka Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo la siiyo awoodda Mas’uuliyadda Xogheynta, maadaama uu u socdo Kursi Xildhibaan, sidoo kalena xubinta noqoneysa Xogheynatana ee awoodda dheeraadka loo sameynayo uu isaga wato.

COMMENTS