July 22, 2020 | Posted by admin

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay magacaabi doonaan guddi Xildhibaanno ah oo ka shaqeyn doono sidii si deg deg ah loogu gurman lahaa dadka uu Fatahaadda webiga Shabeelle ku  sameeyay Degmada Afgooye iyo deegaanno kale.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in Xildhibaannada ay soo jeediyeen arrinkan, isagoo intaa ku daray in guddoonka Baarlamaanka ay gacan ku siin doonan guddiga la magacaabayo gudashada howlaha loo xilsaaray, ayna tagaan goobaha ay musiibada ka dhacday.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay guddiga ku soo magacaabi doonaan, kuwaasi oo ka howlgeli doono sidii ay u soo qiimeyn lahaayeen xaaladda dhabta ah ee ka jirta degmada Afgooye iyo deegaannada kale oo uu webiga ku fatahay.

COMMENTS