August 4, 2020 | Posted by admin

Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii 4-aad ee kalfadhiga 7-aad.

Ajandaha maanta waxaa uu ahaa ansixinta xubin ka mid nooneysa guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran.

Kulanka maanta waxaa soo xaadiray 31-xubnood waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha golaha aqalka saree e barlamaanka federaalka Soomaaliiya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyadoo ay ku wehlinayeen labadiisa ku xigeenka.

Ugu dambeyn dhammaan 31- ayaa cod akhlabiyad leh ku ansixiyay Xubinimada,Marwo Sacdiyo Shuuriye oo kamid Noqonaysa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

COMMENTS