April 1, 2021 | Posted by admin

Golaha Ammaanka ee QM ooo ugu baaqay Hoggaamiyayaasha Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad-gobaleedyada Hirgelinta qaab Doorasho oo dib loo eegay, la iskuna raacsan yahay

Danjiraha Maraykanka u joogta Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladdda New York, Ambassador Linda Thomas Greenfield ayaa hadalkaasi sheegtay, kadib, markii ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM xalay yeesheen Shir looga hadlayey Xaalladda cakiran ee Somalia.

Danjiraha waxay tilmaamtay inay 15-ka xubnood ee Golahaas walaac Xooggan ka muujiyeen Qalalaasha Somalia ee ku aadan Hubaal la’aanta Qabsoomida Doorashooyinka Cusub, waxayna ugu baaqeen Hoggaamiyayaasha Soomaalida inay yeeshaan Wada-hadal wax-ku-ool ah fursadda ugu soo horeysa, iyadoo aan wax shuruud ah lagu xirin si loo xaliyo qoddobada taagan.

Waxay kaloo carrabka ku dhufatay  inay Golaha Ammaanka ee QM ku baaqeen in la sii wado dadaallada socda, si loo gaaro Heshiis u dhexeeya Hoggaamiyayaasha DFS iyo kuwa Dowlad-gobaleedyada oo ku aadan Hirgelinta qaab Doorasho oo dib loo eegay, la iskuna raacsan yahay (a revised electoral model).

Goaanka Golaha Ammaanka ee QM ayaa ku soo beegmay, iyadoo xilli-madaxeedka Madaxweyne Farmaajo ku ekaa bishii Feberaayo 8-dii, isla markaana aan weli la dooranin Madaxweyne Cusub.

COMMENTS