September 20, 2020 | Posted by admin

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kiis kufsi oo naxdin leh uu ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan, iyadoo la kufsaday gabar 5 sano jir ah.

Kufsigaan waxuu ka dhacay Degmada kaaraan gaar ahaan Xaafada Loo yaqaano Buulo Axmed Cabdalla oo xigta dhanka Suuqa Arjatiin.

Qoyska dhibaatada ku dhacday ayaa warbaahinta u sheegay in falkan uu geystay nin xaafada degan oo gabadha qabsaday, dabadeedna faraxumeeyay.

Gabadha shanta jir ayaa lagu magacaabaa Samiira Yuusuf Maxamed ayaa la geeyay Isbitaalka Digfeer, si baaritaan loogu sameeyo xaaladeeda, iyadoo natiijada baaritaanka lagu ogaaday in gabadha lagu kufsaday.

Qoyska gabadha la kufsaday ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay cadaalad helaan, waxaana la sheegay ninka kufsiga geystay uu baxsaday.

Kiiskan kufsiga ayaa noqonaya kii labaad oo carruur yar ah oo ka dhaca Muqdisho.

COMMENTS