July 22, 2021 | Posted by admin

Xafiiska UNSOM iyo IESG ayaa  Maanta Guddiga Doorashada Galmudug ku wareejiyey agabka loogu tala galay doorashada oo uu ku jiro sanduuqa cod bixinta.

Guddiga Doorashada ee Maamulayada Doorashada Galmudug ayaana La wareegay Agabkaan Loogu Talagalay in Lagu Hago Doorashada, waxaana Qeyb ka ah Sanaadiiqda Codbixinta.

Galmudug ayaa ah Halka ugu adag ee Doorashooyinka ay ka dhacayaan Waxaana ka imaanaya Tartan adag Maadaama Kuraasta Galmudug dhamaantood ay yihiin Kuwa aad u adag Dhanka Tartanka Marka la Eego.

Jubbaland ayaa shalay sidaan oo kale ula wareegtay Agabka Doorashada, waana Maamulkii Labaad ee Lagu wareejiyo Qalabkaan Muhiimka ah.

COMMENTS