September 27, 2021 | Posted by admin

GALMUDUG caawa waxay u muuqataa in Siyaasadii ay ku kala tageen, waxaana Soobaxaysa xog ku saabsan in Hotel Jasiira Caawa la isku Khilaafay.

Madaxweyne Qoor Qoor Ayaa Wasiir Dowlaha Madaxtooyada Galmudug Axmed Shiddo caawa ku diiday inaysan sax aheen Warkii uu baahiyay Jimcihii kuna saabsanaa in Farmaajo uu diiday Heshiiska Rooble iyo Farmaajo, waxuuna Caawa Qoor Qoor ku yiri ” sidee ku Soo qortay Warkaan oo Galmudug Looga xigtay.

sidoo kale Axmed Shiddo waxaa ku dhinac noqday Xubna Siyaasiin ah oo Galmudug ka Soo jeeda iyo kuwa xilal ka haaya Maamulka Qoor Qoor.

Ila Muhiim ah Ayaa sidoo kale iisheegay in ay isku xumaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor iyo Sanater Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, waxaana La isku Khilaafay Mowqifka Galmudug ee Khilaafka Rooble iyo Farmaajo, iyo sababta uu Axmed Kaariye ula safanyahay Madaxweyne Farmaajo.

Culeys weyn Ayaa caawa Galmudug ay lugta la gashay waxaana muuqata iyo Waxa caawa ku shiraya Hotel Jasiira ay Bartilmaameed u tahay Halka Galmudug ay saldhigan doonto.

COMMENTS