April 28, 2014 | Posted by admin

Dhacdo naxdin iyo murugo leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dahcday dalkaas Mareykanka ka dib markii gabar Soomaali oo jaamiciyad ahayd iyo saaxiibteed ay ku geeriyoodeen shil baabuur oo ka dhacay dalkaas Mareykanka ka dib markii baabuurkii ay wateen uu si xun ugu dhacay baabuur weyn iyadoona ay labadaas gabdhood ay isla goobtaas ay ku geeriyoodeen labadoodaba.

Gabadhaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jirey Ayaan Maxamed Cismaan (AUN) oo 19 sano jir ahayd iyo saaxiibteed gabadha la oran jirey Kiden Dilla oo iyadana 18 sano jir ahayd oo labadaba ka mid ahaa ardeyda wax ka barata jaamacada lagu magacaabo Pacific University oo ku taala magaalada Forest Grove ee gobolka Oregon ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay baabuur ay wateen uu si xun ugu dhacay baabuur weyn wado isgoys ah oo qatar ah iyadoona uu baabuurkoodu uu si xun u bur burey islamarkaana ay labada gabdhoodba ay isla goobtaas ku geeriyoodeen, baabuurkaas ay shilka ku galeen gabdhahaas ayaa waxaa waday gabadha lagu magacaabo Kiden Dilla iyadoona ay Ayaan (AUN) ay ahayd qof saaran ama la socday baabuurkaas shilka galay, Darawalka wadey baabuurka weyn ee ku dhacay baaburka gabdhahaas geeriyooday ayaa asagu aysan waxba ka soo gaarin shilkaas ka dacay goobtaas, Labadaan gabdhood ayaa ayagu waxay ku noolaayeen magaalada Portland ee gobolka Oregon ee dalkaas Mareykanka.

Ugu dambeyntiina iyadoo labadaas gabdhood ay ku geeriyoodeen shilkaas baabuur ayaa waxaa arintaas si aad iyo aad ah uga xumaaday ardeyda wax ka barata Jamacadaas ay dhiganaayeen labadaas gabdhood ayagoona sheegay inay ahaayeen kuwa fir fircoon islamarkaana qeyb weyn ka qaadan jirey howlaha jaamacada, Isgoyska uu ka dhacay shilkaas ay ku geerioodeen gabdhahaas ayaa waxaa la sheegay inuu yahay mid qatar ah oo ay badan yihiin shilalka ka dhaca iyadoona shilkaan ka dib ay dadka deegaanka iyo ardeyda jaamacaadaas ay bilaabeen dadaal wax looga qabanaayo sidii loo yareyn lahaa shilalka ka dhaca wadadaas ee soo kordhaayo marba marka ka dambeysa.

COMMENTS