June 30, 2020 | Posted by admin

Golaha wakiillada Somaliland ayaa xeer ilaalinta ugu baaqay in guddoomiyaha xisbiga UCID ee Feysal Cali Waraabe lagu soo oogo eedeymo la xiiriira aflagaadeyn iyo kicin dadweyne.

Golaha ayaa si gaar ah guddoomiye Feysal ugu eedeeyey inuu ku xadgudbay karaamada iyo maamuuska dastuuriga ah ee guddoomiyaha golaha wakiillada Bashe Maxamed faarax.

Sidoo kale guddida joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland ayaa sheegay inay kalsoonidii kala noqdeen Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa Idaacadda BBC-da u sheegay inay been abuur yihiin eedeemaha loo soo jeediyey.

Sidoo kale Feysal waxa uu sheegay in maanta Madaxweyne Muuse Biixi iyo hoggaanka seddaxda xisbi siyaasadeed ee Somaliland ay yeesheen kulan deg-deg ah, kaas oo looga arinsanayey go’aanka golaha wakiillada, isla markaana ay haatan ka war sugayaan Madaxweyne Biixi.

COMMENTS