September 12, 2021 | Posted by admin

Madaxweyne Farmaajo ayaa goor dhow Madaxtooyada Qaranka waxa uu kulan ku`la qaadan doonaa Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Marwo Amina J. Mohammed iyo wafdi heer sare ah oo ka tirsan Xarunta Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa ka wada hadlaya arrimaha horumarinta bulshada (SDG), awoodsiinta siyaasadeed ee haweenka iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo ka tirsan Gobolka oo ay socdaal ku marayso Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Marwo Amina J Mohammed.

COMMENTS