September 26, 2021 | Posted by admin

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in 8 oday dhaqameed oo ka mid ah 46 Ergo ee soo dooraneysa Senatarada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi in la geeyay Madaxtooyada Villa Somalia, halkaasoo shir kula leeyihiin Madaxweyne Farmaajo.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in 8-da Oday dhaqameedka ee Madaxtooyada la geeyay ay ka mid yihiin kuwa ugu saameynta badan Gobolada Waqooyi ee maanta lagu xareeyay Xerada Afisyooni, si ay Maalinta Talaadada ay u doortaan Senatarada Aqalka Sare ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland, iyadoo berri ku beegan tahay hadal jeedinta Musharaxiinta.

Tallaabadan ayaa loo arkaa carqalad cusub oo ku wajahan doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi oo la filayo in todobaadkan soo dhammaato, maadaama Ergooyinka doorashada ka qeyb qaadanaya maanta la xareeeyay.

COMMENTS