July 4, 2020 | Posted by admin

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo saaka ka dhacay Xarunta Turubtaariyada ee Ilaalada Canshuuraha degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan qaraxan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhiftay afaafka hore ee Xarunta Ilaalada Canshuuraha oo ka soo horjeeda Dekeda Muqdisho.

Gaariga qaraxa fuliyay ayaa waxaa waday ruux naftii halige ah, waxaana uu ahaa inuu ahaa nuuca Surf loo yaqaano sida dad goobjoogayaal ah iyo Boliisku sheegeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa uu sababay khasaare kala duwan, inkastoo uu kooban yahay, waxaana dhaawacmay ilaa 5 ruux oo askar ubadan.

Sawirro laga soo qaaday goobta qaraxa ka dhacay ayaa muujinayay burbur qeybo ka mid ah xarunta Ilaalada Canshuuraha, waxaana goobta soo gaaray Ciidanka Booliska ee dambi baarista.

Qaraxan ayaa ah kii u horreeyay oo muddo lix bil kaddib ka dhaca Muqdisho, kaddib qaraxii dadka badan ku dhinteen ee dhamaadkii bishii December 2019 ka dhacay isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

COMMENTS