October 12, 2021 | Posted by admin

Inta la xaqiijiyay Saddex ruux ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka badanaa way ku dhaawacmeen ka dib markii qarax uu goor dhow ka dhacay Isgoyska Fagax.


Dadka degaanka ay Risaala u sheegeen qaraxa uu ahaa mid uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa halka qaar kalena ay sheegeen in uu ahaa Miino.

Qaraxa goobta uu ka dhacay ayaa ah Maqaayad ay inta badan fadhiisteen dhalinyaro, kuwaasoo cayaaraya dublada.

Laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay gaareen goobta uu qaraxu ka dhacay ayna faahfaahin ka bixin doonaan waxa sababay iyo Khasaaraha rasmiga ah.

COMMENTS