April 30, 2011 | Posted by admin

Duhur-Fafaahin dheeri ah ayaa ka soo baxeeysa dagaalo xoog leh oo shalay casar liiqii ciidamada Dowladda iyo kuwa Al Shabaab ku dhaxmaray degaanada Qooqaani iyo Bacaad ee duleedka magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalada ayaa la sheegayaa in ay ku geeriyoodeen in ka badan 6 qofood oo ka kala tirsan ciidamada Dowladda tabacsan iyo kuwa Al Shabaab.

Warar laga helay dadka degaanka ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda taabacsan lagala wargeegay degaanka Qooqaani hasayeshee Bacaad Shabaab uusan qabsan madaamada labada dagaan uu weerar ku qaaday.

Sarkaal u hadlau ciidamada Dowladda KMG ee Gobolka Hiiraan ayaa beeniyey in ciidamada Dowladda qasaaro dagaalka ka gaaray degaanka Qooqaanina lagala waregay isagoona sheegay in Seddex dagaalyahano ay ka dileen Al Shabaab hayeshaa Shbaab war kama soo saarin dagaalad.

Ugu Dambeenynii Xiisad ayaa ka jirta degaanada dagaalada ay ka dhaceen shalay galab, waxaana dhaqdhaqaaqyo wada ciidamada Dowladda iyo Al Shabaab oo iyaga jooga magaalada B/weyne iyo degaano kale.

COMMENTS