June 19, 2014 | Posted by admin

Maxamed Saalax Anaadiif oo ahaa ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa muddo kaddib iska casiley xilka,waxaana la sheegay inuu isku casiley sababo ay ka mid tahay muran soo dhex-galay isaga iyo qaar ka mid ah dalalka ay ciidamadu kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Anaadiif ayaa is-casilaadisa go’aansadey kaddib markii ay wax ka suragali waayeen qorshe uu ku doonayey inuu kaga saaro magaalada Kismaayo ciidamada Kenya ka socda ee ka tirsan AMSIOM oo ay horay uga cabatay dowladda Soomaaliya si loogu bedelo kuwo ka socda Jabuuti iyo Burundi.

Ergayga Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ,waxaa la sheegay in Midowga Afrika ay ka aqbaleen go’aanka uu isku casiley kaddib markii qoraalka is-casilaaddiisa toddobaadkii hore u gudbiyay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika lagana ogolaaday.

Anaadiif waxaa uu Xilkaa kala wareegay wakiilkii ka horreeyay ee abuubakar Diyaar oo Isagu sanadkii 2012 kii ku wareejiyay Xilka si KMG ah,waxaana hadda sii hayn doona xilka haweeneyda ku-xigeenka u ah Anadiif oo u dhalatay dalka Uganda.

Maxamed Saalax Anaadiif waxaa uu ku dhasahay magaalada Arada ee bariga dalka Chad sannadku markuu ahaa December 25, 1956,waxaana uu dalkiisa ka soo qabtey shaqooyin kala gadisan isagoona ka soo shaqeeyey waaxda boostada iyo isgaarsiinta ee dalka chad ee looyaqaano ONTP intii udhaxeesay 1981 ilaa 1982 .

Sidoo kale waxaa uu muddo dheer ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Chad oo uu hayay sannadihii u dhexeeyay 1997 illaa 2003-dii.

Maxamed Saalax Anaadiif ayaa lagu wadaa maanta in uu qabto munaasabad uu ku shaacinayo in uu xilkaasi iskaga tagay oo uu hayay muddo 2 sanno ku dhawaad ah waxaana lagu wadaa in ku dhawaaqista is casilaadiisa ay ka qayb galaan madax dowladda ka tirsan.

Is-casilaada Maxamed Saalax Anaadiif waxaa ay ka dhigeysa go’aankii ugu horreeyey ee u isku casilo wakiil urur caalami ah uu u soo magacaabay Soomaaliya, waxaana dajire Anaadiif uu ahaa madaxa guud ee AMISOM iyo ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya.

COMMENTS