June 24, 2020 | Posted by admin

Guddoomiyihii hore ee Goholkaan Banaadir ahaan duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay Arrinta ku saabsan maqaamka Gobolka Banaadir,xilli Xildhibaannada Golaha Shacabka ay ka doodayaan in Gobolka Banaadir uu matalaad ku yeesho Aqalka Sare.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Taabit Cabdi ayaa waxaa uu ku sheegay in Arrimaha Gobolka Banaadir aysan sigaar ah u taabaneyn qolo iyo qoys gaar ah balse ay u taallo cidkasta oo Soomaali ah.

Waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in arrimaha hadda taagan ee wax qeybsiga Gobolka Banaadir ay ka horeyso in la helo Maqaam uu yeesho Gobolka Banaadir oo uu sheegay in uu yahay waajib Dastuuri ah.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Taabit Cabdi.

Doodda Barlamaaniga ah ee khuseysa Gobalka Benaadir, ma taabaneyso qof, qoys iyo qolo gaar ah. Waa qadiyad Soomaaliyeed oo u baahan in si siman looga jawaabo, si Soomaalinimo ah loogu istaago, oo wax wanaagsan laga soo saaro.

Cadka in la qeybsado waxaa ka horeeya in la helo lana raadiyo midka saxda ah, si taas ay u dhacdana waa in la wada raadiyaa wax u qalma dadka saddexda milyan ka badan ee caasimadda degan, laakiin waxaa jirta su’aal ah maxaa la raadinayaa Maqaam mise Matalaad?.

Sida ay la socdaan inta badan xubnaha Golaha Shacabka, wuxuu Baarlamaankii 9aad meel fiican soo gaarsiiyay howsha maqaamka Muqdisho oo xitaa la isla fahmay nooca maamul ee ugu haboon. Maanta in Maqaamkii laga caga jiido oo loo leexdo matalaad ku kooban Aqalka Sare, waxaan filayaa in aaney wax weyn ka bedali doonin baahida maamul, amni, caafimaad, waxbarasho iyo horumarineed oo ay qabaan dadka ku nool Gobolka Benaadir

Arrinta Maqaamka Muqdisho waa dastuuri, isaga ayaana cadeynaya matalaadda, waxaana soo jeedinayaa in mudnaanta la abaaro, loo turo shacabka, mustaqbalka la xeeriyo, oo aan dhammaanteen bixinaa wax u qalma magaalada dalka ugu dadka, baaxada, daqliga, canshuurta iyo dulqaadka badan.

“Maalintaad mansabka heyso wax mudnaan leh sameey, si ay berri caruurteena mustaqbal wanaagsan ugu noolaadaan.”

Mahad-badan

COMMENTS