April 29, 2021 | Posted by admin

Dowlada Uk ayaa war kasoo saartay Xaalada Siyaasada Soomaaliya waxa ayna ugu baaqday madaxda Soomaalida iney dib ugu laabtaan wada hadalada iyadoo Saldhig looga dhigayo Heshiiskii 17 September.

Amniga iyo Xasiloonida Soomaaliya Darteed iyo Horumarka waa in la qabtaa Doorashada sida ugu macquulsan ,Dowlada Uk ayaa bogaadisay go’aankii Maxaxweyne Farmaajo ku taageeray Heshiiskii 17 september.

Waxaan ku amaaneynaa Ra’isulwasaare Rooble iyo xubnaha Dowlad goboleedyada diidmada ay ka muujiyeen Arinta Mudo kordhinta waxaana ugu baaqeynaa madaxweyna iyo Dowlad Goboleedyada iney bilaabaan wadahadalada Shuruud la,aan.

Dhanka kale warsaxafadedka kasoo baxay Dowalda Uk Ayaa loogu baaqay ciidamada iney ka fogaadaan wax kasta oo keeni xasarad waxna udhimaya daganaashaha .

COMMENTS