July 4, 2020 | Posted by admin

Dowlada Uk ayaa soo saartay wadamada soo booqan kara wadankeeda kuwaasi oo aanan maridoonin karantiilka 14 maalin waxana ay ka koobanyihiin ku dhawaad 59 wadan.

Wadamada ay ka mid yihiin Griiga, Isbaanishka, France iyo Belgium ayaa ku jira liiska , taas oo dhaqan gelaysa 10ka Luulyo.

Laakiin dalal ay ka mid yihiin Shiinaha, Mareykanka, Sweden iyo Boortaqiiska ayaan ku jirin, taasoo la micno ah in dadka soogalootiga ka yimid dalalkaasi ay qasab tahay inay karantiil ku jiraan 14 maalmood.

Scotland iyo Wales wali go’aan kama gaarin Dowlada in laga fududeeyo xayiraadaha safarka.

Xeerarka karantiilka ayaa sidoo kale waxaa ku jiridoona Waqooyiga Ireland dalxiisayaasha ka imanaya meel ka baxsan UK iyo Republic of Ireland.

Qaar ka mid ah kuwa liiska ku jira waxaa ka mid ah Turkiga iyo Qubrus, iyo meelo dheer oo ay ka mid yihiin Australia, Barbados, Hong Kong, Japan, New Zealand iyo Vietnam.

Si kastaba ha noqotee, waddamada qaarkood, sida New Zealand, waxay u baahan doonaan booqadayaasha inay karantiil galaan markay yimaadaan.

Xafiiska arrimaha dibedda ayaa la filayaa inuu Sabtida soo bandhigo waxa soo kordha, iyo magacyada wadamada aanan looga baahneen karantiilka marka ay wadanka soo galaan.

COMMENTS