February 17, 2021 | Posted by admin

War ka soo baxay dowlada federalka ayaa lagu amray in aan la isu imaan karin isla markaana shaqaalaha aan muhiimka ahayn ay guryahooda ku sugnaadaan.

Amarka ka soo baxay dowlada ee ah inaan la isu imaan karin ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa labo maalin kahor mudaaharaad ay musharaxiinta ugu baaqeen shacabka inay isugu yimaadaan Daljirka Dahsoon.

Sidoo kale musharaxiinta ayaa ugu baaqay dowlada inaysan siyaasadeyn cudurka Covid 19.
Halkan hoose ka aqriso amarka xukuumaddu soo saartay :

1- In la fasaxay shaqaalihii Rayidka ahaa ee dalka marka laga reebo shaqaalaha mahuraanka ah ee aan laga maarmi karin illaa amar dambe.

2- In gebi ahaanba la’ joojiyey isu imaatinada iyo isu ururka bulshada.

3- In ay waajib tahay in dadka ka shaqeeya meelaha aan looga maarmi karin ay qaataan Afsaar ama Mask

4- In la joogteeyo kala fogaanta masaafo aan ka yarayn Hal mitir illaa laba mitir

5- In la yareeyo isu socodka gobolada iyo safarada laga maarmi karo

6- In masaajidada oo ah goobo cibaado bulshaduna si joogto ah isugu timaaddo lagu dedaalo kala fogaan, af dabool iyo nadaafadda oo kor loo sii qaado.

7- In Ciidamada amnigu ay u xilsaaran yihiin dhaqan gelinta go’aamadan.

8- Goobaha Waxbarashada, gaadiidka dadweynaha iyo goobaha ciyaaraha waxa loo xakamayn doonaa si gaar ah.

Adna isu nax, dadkaana u nax

Ilaahay ha inaga badbaadiyo cudurkan kala qaaday ehelkii adduunka isugu jeclaa

COMMENTS