April 7, 2021 | Posted by admin

Taliska Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed  ayaa Faah Faahiyay dagaal culus oo u dhexeeyay Ciidanka Milateriga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21-aad iyo Dagaalamayaasha  Al-shabaab oo saakay aroortii ka qarxay deegaano ka Tirsan Koonfurta  galgaduud.

Taliyaha Ciidanka dhulka Soomaaliya  General Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlay warbaahinta dowladda Soomaaliya  ayaa u sheegay in Ciidanka Xoogga ay weerar ku qaadeen deegaanka labi-dulle oo fariisimo ay ku lahaayeen Al-shabaab, uuna halkaas ka dhacay dagaal Culus.

Taliye Tahliil Biixi Waxaa uu sheegay  in weerarka oo ay qaadeen Ciidamada qeybta 21-aad iyo kuwa Gorgor ay kula wareegeen gacanta ku heynta deegaanka labi-dulle oo shabaabka ay weeraro kasoo qaadi jireen, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Taliyihu waxaa uu tilmaamay in khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen Alshabaab islamarkaana ay sii wadi doonaan Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Malmo kahor ayey aheyd markii Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo kwua Galmudug ay la wareegeen deegaanka Sinadhaqo iyo tuulooyin kale oo hoostega Magaalada Dhuusamareeb, waxaana halkaas shalay booqday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.

COMMENTS