July 27, 2020 | Posted by admin

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta XFS Eng.Cabdi Canshuur Xasan ayaa hadlay dhibaatada internetka ee dalka ka jirta.

Wasiir Cabdi canshuur oo la hadlay wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA  ayaa sheegay in Baaritaanka cilladda qadka Internet-ka ee shalay soo bilaabatay la soo gebagebeyn doono maanta.

Waxuu sheegay in dhibaato ay shacabka la dirseen sidoo kalena waxuu beeniyay in la siyaasadeeyay Qadka internetka, maadaama dad badan ay sheegeen in la siyaasadeeyay Internetka.

Xafiisyada Dowladda intooda badan waxay isticmaalayaan internet, Laakiin shacabka ayaa la dhibaatoonaya Khad la’aan ka jirta dalka.

COMMENTS