February 23, 2021 | Posted by admin

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa markale sheegay in dowladda Soomaaliya marnaba ogolaneyn isku imaatin, xilli kiisaska cudurka Coronavirus ee Soomaaliya uu kordhay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dowladda ay mas’uul ka tahay dadka Soomaaliyeed badbaadadooda, isla markaana siyaasi dano gar ah leh uusan isku soo bixi karin waa sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo ka qeyb-galayay Barnaamij looga hadlayay xaaladda dalka ayaa sheegay in Go’aankii dowladda Soomaaliya ku mamnuucday isku imaatinka uu yahay sidiisii dadna isku imaan karin.

Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu sheegya in dowladda Soomaaliya ay ogoshahay in siyaasiyiinta ka aragtida duwan uu mid walba tago tv-yada ka howlgalla dalka, halkaasna uu kusoo bandhigo aragtidiisa.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa kusoo aadaya xilli Midowga musharixiinta ay markale ku dhawaaqeen dibadbax Jimcaha soo socota oo taariikhdu tahay 26 Febaraayo lagu qabanayo Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.

COMMENTS