November 17, 2020 | Posted by admin

Dowlada Jabuuti ayaa ka mid noqotay dalalkii ugu horeeyay ee IGAD oo ka hadla colaadda ka taagan daslka itoobiya iyo saameynta ay ku yeesheen dadka rayidja ah

. Jabuuti waxay sheegtay in ay si buuxda u taageersantahay midnimada iyo madax banaanida dhuleed ee jamhuuriyada federaalka ee itoobiya.

War ka soo baxay Wasaarrada Arimaha Dibadda Jabuuti ayaa lagu sheegay in Jabuuti ay si buuxda u taageereyso midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Itoobiya.

Sidoo kale War Saxaafadeedkan ayaa loogu baaqay in si nabad ah lagu xaliyo dhibaatada is afgaran waaga ah ee dhaxtaalo labada dhinac waxaana ugu dambeyntii Dowlada Jabuuti ay muujisay in ay diyaar u tahay in ay Dadaalada Nabada iyo Xasiloonida ka qeyb ah u gali lahayd..

COMMENTS