January 14, 2021 | Posted by admin

Maanta oo ah 14 Janaayo waxaa ku eg waqtigii Guddiga Lagu Murusanyahay ee Doorashada ay u asteeyeen Qabashada doorashada Kuraasta Aqalka Sare ee dalka.

Marar badan ayuu dib udhacayday Doorashada Aqalka sare waxaana 29-kii bishii December la shaaciyay in tartanka kuraasta Aqalka Sare la qabanayo inta u dhaxeysa 7 ilaa 14 Janaayo, waxaana Muuqata Dib udhac Xoogan.

Guddiga Doorashada ayaa ah Mid Lagu Murusanyahay Waana Markii Labaad oo Doorashada Aqalka sare ay dib udhacayso.

Wili Xal lagama gaarin Muranka Doorashada Hortaagan waxaana Murankaasi uu yahay mid ku Lug leh Guddiga Doorashada Qaab dhismeedkiisa

COMMENTS