July 23, 2021 | Posted by admin

Diyaarado dagaal ayaa goor dhow duqeymo ka fuliyay degaano ku yaalla gobolka Mudug oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku dagaallameyeen ciidanka Galmudug iyo Al-Shabaab.

Sidda ay xaqiijisay Wasaaradda Amniga Galmudug duqeynta ayaa ka dhacday Qaycad iyo Hareeri dheere dhexdooda, waxaana xigay dagaal toos ah oo ay qaadeen Ciidamada Amniga Galmudug

“Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen Qaycad iyo Hareeri dheere dhexdooda, waxaana hadda horey u galay ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Amniga.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo masuuliyiin uu hoggaaminaayo ayaa ku sugan furaha dagaalka ee Gobalka Mudug.

COMMENTS