July 30, 2022 | Posted by admin

Diyaaraddi u horraysay ayaa ka degtey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Galdogob ee Galbeedka Gobolka Mudug oo hab iskutashi ah lagu dhisey.

Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya, Durraan Faarax ayaa furay wejiga koowaad ee dhismaha Galdogob Airport.

Dadweyne aad u Farabadan iyo Masuuliyiin ka Tirsan Galmudug ayaana wafdiga Wasiirka ku Soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Galdogob ee Gobalka Mudug.

Garoonkaan ayaa la aamisanyahay inuu qeyb ka qaadan doono, isu socodka Ganacsiga ee Galmudug, waxaana dadka Deegaanka ay sheegeen inay mar uun ku raja waynaayeen Hirgalinta Garoonkaan

COMMENTS