September 19, 2020 | Posted by admin

Wararka naga soo gaaraya Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow halkaasi ay kusoo dhacday diyaarad xamuul ah.

Ilo ka mid ah Shaqaallaha Garoonka Aadan Cadde ayaa xaqiijiyay in aysan jirin khasaare nafeed oo ka dhashay.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda aheyd nooca xamuulka qaadda, islamarkaana xilli ay kusii jeeday Beledweyne ay cilada ku timid.

Labo qof oo saarnaa ayaa la sheegay in laga soo badbaadiyay.

Diyaaradda ayaa afka hore dhigay meel ka mid ah Garoonka Aadan cadde gaar ahaan meelaha aysan diyaaruhu ku degin.

COMMENTS