June 21, 2016 | Posted by daacad yare

waxaa magaalada baydhabo ee xarunta gobalka bay xiligaan ka soconaya diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee ku aadan shirka madasha wadatashiga qaran oo lagu wado in uu ka firmo magaaladaasi.

Shirka oo horay loogu balan sanaa in uu dhaco 20 bishaan ayaa dib udhac ku yimid waxa uuna furmaya 22 bishaan oo biri ku beegan.

Madaxwaynaha maamulka konfur galbeed shariif xasan shiikh aadan oo maal mahaan ka maqnaa magaaladaasi ayaa maanta gaaray magaaladaasi iyadoo dhinaca kale la filayo in birito ay gaaraan madaxda sare ee dowlada iyo kale ee maamul gobaledyada ee dhiman sida jubaland galmudug iyo puntland.

Gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya maxamed shiikh cusmaan jawaari ayaa maalma ka hor gaaray magaalada baydhabo ee xarunta gobalka baay.

Shirka madasha wadatashiga qaran ayaa ah kii ugu dambeyay ee looga hadlayo qaabka doorasho ay udhacaso waxaana isha si gaar ah ugu haya beesha caalamka iyo dad badan oo soomaaliyeed.

 

COMMENTS